Kalsoonidu waa awoodda qofku ku aamino naftiisa iyo kartidiisa. La’aanteed, qofku wuxuu dareemaa cabsi, shaki iyo dib-u-dhac.
Si kastaba ha ahaatee, marka uu qofku yiraahdo “Waan isku kalsoonahay” (I am confident in myself), macnaheedu ma aha inuu isku tiirsan yahay naftiisa kaligiis oo uu ilaaway Alle. Taasi waxay ka dhigan tahay inuu ku kalsoon yahay aqoonta, kartida iyo xoogga uu Alle ku mannaystay.
Haddaba, kalsoonidu ma ahan wax walba sida ay u muuqato; waxaa jira laba nooc oo si aad u kala duwan u saameeya nolosha qofka: Kalsooni Been ah iyo Kalsooni Dhab ah. Fahamka farqiga u dhexeeya labadan nooc ayaa muhiim u ah horumarinta nafta iyo xiriirrada bulshada oo aan doonayno inaan ka hadalno.
1. Waa maxay Kalsooni Been ah?
Kalsooni been ah waa marka qofku isku muujiyo kalsooni, laakiin gudaha qalbigiisa uu dareemayo cabsi iyo shaki. Waa sidii qof xiranaya waji-dabool (maaskaro) si uu dadka ugu muujiyo xoog, halka dhab ahaantii uu qarinayo nuglaantiisa.
Astaamaha lagu garto
- Ku tiirsanaanta muuqaaleed iyo hadal weynaan la jilayo
- Cabsi laga qabo in dadka kale ogaadaan daciifnimada
- Ka cararidda qirashada khaladka
2. Haddaba waa maxay Kalsooni Dhab ta ahi?
Kalsooni dhabta ah waa kalsooni ka timaadda aqoon, khibrad iyo fahamka nafeee. Qofka kalsooni dhab ah leh ma aha mid kaamil ah, laakiin waa mid aqbala daciifnimadiisa iyo khaladaadkiisa isagoo weliba sii horumarinaya qaladaadka.
Sifooyinkiisa
- Ogaansho iyo aqbalid nafeed
- Qirid iyo barasho khaladaadka ah
- Xasillooni gudeed ah xitaa marka aad la kulanto dhaleecayn
3. Bal ina fahamsii Farqiga Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garto
Tusaale kooban oo lagu kala garto aan soo qaadanno:
- Kalsooni Beenta ah waa mid: Ku dhisan muuqaal iyo jilid
- Kalsooni Dhabta ahina waa mid: Ku dhisan aqoon iyo xasillooni
4. Aan is weydiinno, Sidee Loo Dhisaa Kalsooni Dhab ah?
Qodobbada ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo kalsooni dhab ahi waa:
- Naftaada garo oo faham xooggaaga iyo meelaha aad ku liidato, wax ka wanaagsan malahee
- Is hormari intaad awooddo, barana xirfado cusub oo kugu habboon adiga
- Qiro khaladkaaga oona ka baro cashar
- Aan kugu daree, ha isku barbar dhigin dadka kale, waligaa
Haddaba
Kalsooni dhabta ah iyo midda beenta ahi waa laba waddo oo qofka sabab u noqon karta iney kala geeyso guul iyo guuldarroba. Midda dhabta ah waa sal adag oo waarta, halka midda beenta ahina ay noqoto dhismo aan lahayn tiir adag. Haddii aad rabto horumar iyo xasillooni, dhis kalsooni dhab ah oo ku dhisan aqoon, aqbalid nafeee, iyo horumarin joogto ah intaad awooddo.